Muqdisho-(Ayaamaha)-Rag ku labisan dareeska ciidamada booliska ayaa weerar ku qaadeen xarunta TV-ga Universal ee magaalada Muqdisho.

Weerarka oo saacado qaatay ayaana la ogeyn waxa ka dambeeyay balse ciidamada ayaa la sheegay inay iska dhigeen waaxda canshuuraha ee dowladda Hoose, iyaga oo doonayay inay gudaha u galaan  xaruuntaTV-ga.

Ciidamada ilaalada TV-ga ayaa la sheegay inay isku dhaceen, waxaana daqiiqado kooban dhexmartay israsaaseyn.

Sida la sheegay hal ruux ayaa laga dhaawacay kooxda weerarka qaaday, waxaana la qabtay dhamaan dadka weerarka qaaday oo la sheegay inay lix ruux ka koobnaayeen.

Ciidamada ilaalada madaxtooyada oo u dhow xarunta TV-ga Universal ayaa la sheegay inau gurmad sameeyeen, taasi oo sahashay in la qabto dhamaan dadka weerarka soo qaaday oo aan la xaqiijin halka ay ka tirsan yihiin.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Ciidamada booliska ay doonayeen agaasimaha Universal ee magaalada Muqdisho, lamana sheegin waxyaabaha ay ka doonayeen.