KISMAAYO-AYAAMAHA-Warar dheeraad aha ayaa kasoo baxaya weerar madaafiic ah oo lagu qaaday saldhig ciidanka Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ay ku leeyihiin duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose.

Saldhigga ciidanka Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Cabdalla Biroole ee duleedka magaalada Kismaayoa aya ala sheegay in dhoowr madaafiic ah lagu weerar,iyada oo sidoo kalana ciidamada Kenya ay ku jawaabeen Madaafiic kale.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa hobiyeyaasha lagu soo uuray Saldhiga Ciidamada Kenya,sidoo kalena dhankooda ay ku jawaabeen madaafiic dhowr ah oo ay ku tuureen duleedka degaanka Cabdalla Biroole.

Waxaa jira khasaaro kala duwan oo ka dhashay weerarkaasi madaafiicda ah, in kastoo aan sirasmi ah weli loo cadeyn ayaa hadana Warar lagu daabacay Baraha Internet-ka ee taageera Al-Shabaab waxaa lagu sheegay in 7 Askari ay ku dhinteen weerarkaas.

Xaaladda deegaanka Cabdalla Biroole ayaa saakay ah mid degan iyada oo wararka qaar ay sheegayaan in ay ciidamada Kenya ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan mana jirto saameyn dadka degaanka uu ku yeeshay dhaq dhaqaaqaas ay wadaan.