Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday  Saldhig Ciidanka dowladda Kenya ay ku leeyihiin deegaan ku yaalla duleedka Magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Barri.

Weerarka lagu qaaday Saldhiga Ciidanka Kenya ayaa ku yaalla deegaanka Faafi ee duleedka Gaarisa, waxaana intaas kadib la sheegay inuu dhacay dagaal kooban oo u dhexeeyay Kenya iyo Al-shabaab.

Qoraal lagu faafiyay baraha Internet-ka Al-shaabab ayaa waxaa ku sheegeen in weerarka uu ahaa mid xoogan, isla markaana uu ka dhashay Khasaaro kala duwan oo la gaarsiiyay Ciidanka Kenya.

Sidoo kale Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in diyaarad dagaal oo ay leedahay dowladda Kenya ay ku degtay deegaanka Faafi, isla markaana halkaas ay ka daabushay dhaawacyo soo gaaray Ciidanka Booliska.

Shabaab ma shaacin Khasaaraha ka dhashay weerarkii ay ku qaadeen Saldhiga Ciidanka Kenya ee deegaanka Faafi, sidoo kalena ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka dowladdaas oo ay uga h