Muqdisho-Ayaamaha-Waxay ahayd hubaal in saameynta ka dhalata duqeyntii uu Mareykanka ku dilay janaraalkii reer Iiraan ee Qasem Soleimani ay toos u gaareyso siyaasadda doorashada madaxweynaha Mareykanka ee 2020-ka.

Maalmahan wax walba oo dhaca waxay lugaha la galaan doorashada Mareykanka, shakina kuma jiro in sheekadan ay tahay mid aad u weyn.

Iyadoo ay sii xoogeysanayaan xiisadaha u dhaxeeya Mareykanka iyo Iiraan, cawaaqibka ka dhalanaya waxay ku xirnaan doonaan nooca ay tahay jawaabta ay Iiraan ka bixin doonto weerarka loo geystay iyo haddii uu dagaal ka dhex qarxo labada waddan.

Haddii natiijada ugu dambeysa ay noqoto in Mareykanku uu ka baxo Ciraaq, arrimaha siyaasadda waxay yeelan doonaan waji cusub, waxaana dabaaldagi doona dadka Mareykanka ah ee neceb in dalal kale la faragaliyo.

Maadaama uu wakhtigu aad u gaaban yahay, waxaa suurtagal ah inay caqabado soo wajahaan labada musharrax ee ku loollamaya doorashada hoose ee xisbiga Dimuqraaddiga, taasoo la filayo inay dhacdo wax ka yar hal bil kadib, halka doorashada guudna loo ballansan yahay bisha November.

Sidey noqotaa xaaladda madaxweyne xilka haya wakhti uu Mareykanka ku jiro dagaal?

Sida horayba usoo dhici jirtay, Madaxweyne Mareykan ah oo wajahaya arrimo adag oo dhinaca dibadda ah wuxuu helaa ugu yaraan taageerada shacabka, taasoo uu ka faa’iideysto.

Trump oo wariyeyaasha kala hadlaya arrimaha Iiran

Saameynta ka dhalata “in calanka Mareykanka lagu dagaallamo” waxay caawisay madaxweyne George HW Bush, xilligii uu socday dagaalkii khaliifka ee 1991-kii. Sidoo kale madaxweyne George W Bush ayaa taageero taas la mid ah helay markii uu dhacay weerarkii September 11, kaasoo islamarkiiba uu Mareykanku uga jawaabay duullaankii uu ku qaaday Afganistan.

Hase yeeshee, kuwaasi waxay ahaayeen howlgallo milatari oo aad u baaxad weyn. Marka ay arrimo kuwaas ka hooseeya jiraan – oo doorasho ay soo socoto – xaaladdu ma aha mid si sahlan loo saadaalin karo.

Taageerada shacabka ee Barack Obama wax isbaddal ah kuma dhicin markii uu Mareykanku duqeymo dhinaca cirka ah ka billaabay dalka Liibiya, sanadkii 2011-kii.

Markii uu Trump gantaallo ku garaacay Suuriya, isagoo ka jawaabaya kiimikadii ay dowladda Bashaar Al-Asad adeegsatay, wax sidaas u weyn iskama baddalin qiimeyntiisa taageerada dhinaca shacabka. Qiimeynta taageerada Trump waxay ahayd mid isku mid ah ilaa markii xilka loo dortay.

Marka la sameeyo qiimeynta ugu horreysa ee daba socota dilka Soleimani, waxaa hubaal ah inay shacabka Mareykanka ku kala qeybsami doonaan taageerada madaxweyne Trump ee ku aaddan sida uu xaaladdan u maareeyay.

Taageerada Jamhuuriga

Trump wuxuu ka faa’iideysan karaa tallaabadan, si la mid ah sida uu taageerada xisbigiisa u helo mar walba oo uu lugaha la galo arrin muran dhalisa.

Wargeyska Huffington Post ayaa qiimeyn uu smaeeyay ku ogaaday in 83% ka mid ah taageerayaasha xisbiga Dimuqraaddiga ay taageereen weerarka lagu dilay janaraal Soleimani.

Taageerayaasha madaxweynaha ayaa u arka in tallaabadaas ay tahay sida kaliya ee “lagu xanuujin karo” siyaasiyiinta kasoo horjeeda Trump.

Dhinaca baraha bulshada, marka ay dadka Trump taageera ka hadlayeen walaaca ay dimuqraaddiyiintu ka qabaan cawaaqibka ka dhalan kara dilka Soleimani waxay ku muujiyeen jeesjees, iyadoo siyaasiyiinta Trump kasoo horjeeda ku dhahaya “waan ka xun nahay khasaaraha idinku dhacay”. Website taageera xisbiga talada haya ayaa soo daabacay qoraal kaftan ah oo uu ku sheegayo in Dimuqraaddiyiintu ay calanka Mareykanka hoos u dhigeen, iyagoo ka baroordiiqaya dhimashada Soleimani.

Sheekadan ka soo ifbaxday bariga dhexe ayaa sidoo kale madaxweynaha ka caawin karta inuu indhaha shacabka ka jeediyo kiiskiisa la xiriira mooshinka xil ka qaadista ee loo gudbiyay aqalka sare. Arrintaas waxaa laga dhadhansanayay qoraallo badan oo uu madaxweyne Trump Twitter-kiisa soo dhigay subaxdii Isniinta.

“Waa murug inaan wakhti ku bixiyo arrimahan la siyaasadeeyay, xilligan uu waddanka ku jiro xaaladda adag, aniguna aan mashquulka ahay!”, ayuu kusoo qoray boggiisa.

Ol’olaha nabadda ee Dimuqraaddiyiinta

.

Dhinaca xisbiga Dimuqraaddiga, dilka Soleimani wuxuu dib usoo nooleyn karaa ol’olihii dagaal naceybka ee ay xisbigan sameyn jireen, wuxuuna kusoo aadayaa xilli ay howl noocaasoo kale ah ugu dambeysay markii uu dhacayay dagaalkii Ciraaq.

Bernie Sanders, oo ka mid ah siyaasiyiinta ugu cadcad musharraxiinta kasoo jeeda Dimuqraaddiga, wuxuu durba billaabay inuu ka hadlo sidii looga hortagi lahaa dagaal horleh.

Siyaasigan ayaa dadka dib u xasuusiyay dadaallo uu horay ugu sameeyay arrimahaas.

“Waan ku saxnaa inaan kasoo horjeeday dagaalkii Vietnam. Waan ku saxnaa inaan kasoo horjeeday dagaalkii Ciraaq. Haddana waxaan ku dadaali doonaa in wakhtiga aan xilka hayo uusan dagaal dhex marin Mareykanka iyo Iiraan,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

.

Tulsi Gabbard, oo ah haweeney kale oo musharraxnimada dooneysa, oo horayna aad uga soo horjeedsatay waxa ay ugu yeertay “dagaallada ay xukuumadaha isu baddaleen”, kuwaasoo labada xisbiba ay ku lug yeesheen, ayaa sheegtay in duqeyntii lagu dilay Soleimani ay ahayd ficil dagaal oo ka dhan ah dastuurka Mareykanka.

Siyaasiyiinta xisbiga Dimuqraaddiga waxay dhaleeceeyeen taageerada uu Soleimani u muujin jiray weerarrada ka dhanka ah Mareykanka, sidoo kalena waxay go’aan khaldan ku tilmaameen in la dilo.

Loollanka Biden

Ra’yiga ku saabsan weerarka lagu dilay Soleimani wuxuu si gaar ah war wanaagsan ugu yahay Joe Biden, oo heysta 62% ka mid ah kalsoonida xisbigiisa Dimuqraaddiga, ayna u arkaan inuu yahay qofka kaliya ee lagu aamini karo arrinta Iiraan.

Wuxuu aad uga horreeyaa labada siyaasi ee kala ah Sanders iyo Warren, kuwaasoo 47% ka mid ah xubnaha dimuqraaddiga ay sheegeen inay ku aamini karaan xaaladdan.