Muqdisho-(Ayaamaha)-Wararkii uga dambeeyey ee kasoobaxa weerarkii maanta Al shabaab ay ku qaadeen xarunta Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha ayaa sheegaya in dadka ku dhintay uu ku jiro Wasiir kuxigeenkii Wasaarada Shaqada iyo shaqaalaha Saqar Ibraahim Cabdalla oo sidoo kale ahaa Xildhibaan .

Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in ay soo afjareen weerarkii dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al Shabaab ku galeen dhismaha Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha Xukuumada Soomaaliya.

Ilaa iyo hadda kudhawaad 30 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen islamarkaana lageeyay Isbitaalada ,Madiina ,Digfeer iyo Daarulshifa ee Magaalad Muqdisho, halka tira kalana ay ku dhinteen oo ay ku jiraan qaar Kamid ah Shaqaalaha Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha ee Muqdisho.

laamaha amaanka wali ma aysan ka hadlin weerarkan ,mana soo bandhigin kooxdii hubeysbeyd ee wararkan soo qaaday.