Weerarkii Shabaabkii ee Hotel Villa Rose oo lasoo afjaray.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidamada NISA guutada loo yaqaano Gaashaan Ayaa gabal dhicii soo Afjaray Weerarkii Al Shabaab ku qaadeen Hoteelka Villa Rose kadib Markii 4-Dhinac ay ku xireen Miinooyin sidaasna ay ku Bur buriyeen dhismaha Hotelkaas.

Waxaa jiro war kale oo shegaayo in uu ciidanka isku soo dhiibay mid ka mida raggii katirsanaa ee ka dagaalamayey gudaha hotelka isaga oo wato Garan iyo Buuma oo keliya,balse xogtaas weli si rasmi ah Laamaha amniga uma soo bandhigin.

Soo Afjarida weerarkaan waxaa uu qaatay saacado badan iyadoo ciidamo dhowr ah ay kawada qeyb galeensida Haramcad, Gaashaan Iyo Duufaan waana ciidan dhamaantood u diyaarsan ladagaalanka ururka Al Shabaab.

Sargaal ka tirsan ciidanka amniga oo goob joog u ahaa tan iyo xalay ayaan xaqiijiyey xogtaan isagoo sheegay in saxaafada lala hadli doono saacadaha soo socda.