Muqdisho-(Ayaamaha)-Wasiirkii hore ee amniga xukuumaddii Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamuud kana tirsan xildhibaanada baarlamaanka ayaa ka hadlay xaaladaha dhanka amaanka ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in iyadoo la hayo xogo dhanka amaanka ah qaraxyadaasi ka dhacaan magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in xogtaasi amaan horey loo hayay.

Xildhibaan C/risaaq ayaa sidoo kale tilmaamay in hay’adaha amaanka ee kusugan dalka oo qeyb kayihiin kuwa ajaaniibta ay dhawaan soo saareen digniin la xiriirta weerarkii Al Shabaaba ay ka fuliyeen magaalada Caasimada ee Muqdisho.

Wuxuu sheegay in Al Shabaab wali ay wadaan qatar dhanka amaanka ah, islamarkaana laga warhayo inay maalmaha soo socdo ay fuliyaan weeraro kale oo halistooda leh.

“Sirdoonka warbixinta lagu helayo ayaa ah in Al Shabaab ay qorsheynayaan weeraro kale, kaliya kuma ekeyn doonaan weeraradii shalay dhacay, maalmaha soo socdo waxaa la bixiyay Digniin kale oo weeraro ah, qolooyinka ajaaniibta iyo hay’adaha amniga wey bixiyeen qatar kale oo dhanka Al Shabaab ka imaan karta”.

“Waxaa Al Shabaab la ogsoon yahay marka la ogaado xogta ah in Al Shabaab meesha ay weerari rabaan waxay wareejiyaan goobta ay doonayaan inay weeraraan, shacabka Muqdisho iyagana waxaa looga baahan yahay inay fejignaan galaan”ayuu yiri Xildhibaan C/risaaq.

Kadib weerarkii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho waxaa is badal lagu sameeyay taliyaasha ciidamada booliska ee degmooyinka gobolka Banaadir.