KISMAAYO-AYAAMAHA-Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland waxaa goordhow gaaray wefdi uu hogaaminayo Safiirka dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya halkaas oo loogu sameeyay soo dhaweyn heer sare ah.

Madaxweyne ku xigeenka koobaad Jubbaland mudanen Maxamuud Sayid Aadan iyo xubno kamid ah golaha wasiiradda Jubbaland ayaa safiirka ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Sayyid Maxamad Cabdulle Xasan ee magaalada Kismaayo.

Safiirka ayaa la filayaa in uu xariga ka jaro mashaariic horumarineed oo ay dawladda Qatar Jubbaland ka hirgelisay inta uu ku suganyahay magaalada Kismaayo..

Socdaalka Safiirka Qatar uu ku tegay maanta magaalada Kismaayo ayaa  noqonaya kii u horeeyay ee Safiirku ku tago Kismaayo, tan iyo markii dowladda Qatar saameynteeda Soomaaliya ay xoogeysatay isaga opo kulamo la qaadan doona masuuliyiin ka tirsan Jubbaland.