Muqdisho-Ayaamaha-Wararka laga heleyo Degmada Afgooye ayaa waxaa ay sheegayaan in Goordhow halkaas lagu dilay Wiil dhalinayro ah oo la sheegay inuu shacab ahaa.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxaa u sheegeen in dilkaas uu ka dhacay bartamaha Afgooye, waxaana Wiilka dhalinyada ahaa u geystay Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiay Cabdisalaam Maxamed Macalin, waxaana goobta uu dilka ka dhacay si deg deg ah uga baxsaday ragii ka dambeeyay falkaas.

Wararka ayaa intaas waxaa ay ku darayan in Cabdisalaam Maxamed Macalin uu la shaqeeynayan muddooyinkii dambe Maamulka Degmada Afgooye, hayeeshee Maanta xili uu ku sugnaa Bartmaha Magaalada la toogtay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa gaaray halka uu dilka ka dhacay, waxaana ay ka wadaan baaritaano ay ku radinayan kooxihii hubeysnaa ee dilka geystay.

Degmada Afgooye ayaa xiliyada qaarkood waxaa ka dhaca dilal qorsheysan oo geystaan rag dhalinyaro ah oo ku hubeysan Bastoolado, waxaana inta badan dilalkaas sheegta Al-dagaalmayaasha Al-shabaab.