Muqdisho-Ayaamaha-Kooxo ku hubeysnaa Bastoolad ayaa xalay Gudaha Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ku dilay Wiil dhalinyaro ahaa.’

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxaa ay sheegeen in Wiilka lagu hor dilay Albaabka gurigiisa oo ku yaalla Xaafadda Al Baraka ee Degmada Hodan.

Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayan in Wiilka dhalinyarada ahaa ay dileen rag burcad ah, iyagoona falka kahor isku dayay inay ka qaatan Mobil uu heystay, hayeeshee uu diiday, sidaasina lagu toogtay.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu soo gaabiyay Maxamed, waxaana dad yaqaanay ay sheegeen inuu ahaa Wiil dhalinyaro ah oo aad u firfircoonaa.

Degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa waxaa muddooyinkii dambe kusoo badanayay dhac ay geesanayaan kooxo hubeysan, iyagoona shacabka ka qaadanayay waxyaabaha ay gacanta kusitaan.