Muqdisho-Ayaamaha-Chekole Menberu, oo hadda 27 jir ah, rajo weyn ayuu lahaa markii uu labo sano ka hor jaamacad ku taalla Itoobiya uga qalinjabiyay cilmiga injineernimada kiimikada.

Wuxuu hammiga ku hayay in marka uu waxbarashadiisa dhammeysto uu heli doono nolol hilmaamsiisa dhibaatadii iyo faqrigii uu soo maray.

Muddo sannado ah ayuu waddooyinka ku nadiifinayay kabaha, si uu kharash ugu helo waxbarashadiisa.

Isagoo aad u da’ yar, ayuu Mr Chekole billaabay inuu shaqo raadsado, uuna waddooyinka ku wareego.

Aabihiis wuxuu dhintay markii uu yaraa, wuxuuna la guuray awowgiis iyo ayeeyadiis, oo dagay magaalada Fogera ee gobolka Amhara. Hooyadiisna mar kale ayaa la guursaday.

‘Waalidiinteyda waxaan ku dhibi jiray inay iskuul i geeyaan’

Wuxuu runtii rabay inuu iskuul billaabo laakiin waalidiintiisa awood uma aysan lahayn inay lacagta waxbarashada ka bixiyaan.

Sidaas darteed wuxuu u wareegay guriga adeerkiis si uu ariga ugu raaco. Laakiin wali wuxuu rajo ka qabay inay awowgiis iyo ayeydiis caawin doonaan.

“Waalidiinteyda waxaan ku dhibi jiray inay iskuul i geeyaan,” ayuu ku yiri BBC-da.

Chekole Menberu graduated from the University of Bahir Dar in Ethiopia

Ugu dambeyntii, awowgiis ayaa ka aqbalay codsigiisii, wuxuuna geeyay iskuul ku yaalla magaalo lagu magacaabo Woreta.

Hase ahaatee, caawinaaddii awowgiis way ka istaagtay markii uu billaabay fasalka labaad.

“Waxaan ku khasbanaa inaan helo hab aan nafteyda wax ugu qabto”, ayuu yiri.

Isagoo gacan ka helaya saaxiibkiis, oo kabaha nadiifin jiray, ayuu billaabay inuu shaqada kabo nadiifinta galo.

Laga soo billaabo fasalka saddexaad ee dugsiga hoose ilaa heer jaamacadeed, si iskiis ah ayuu usoo saaranayay kharashka waxbarashada, wuxuuna ka heli jiray kabaha uu tirtiro.

“Waxaan ogaa in kabo nadiifintu ay ahayd shaqo wax ii tareysay. Waxaan shaqeyn jiray maalinta barkeed, barka kalena wax ayaan baran jiray”, ayuu yiri.

“Noloshu way adkeyd. Laakiin waxaa i dhiirrigaliyay sheekooyinka ku saabsan dadka xaaladdeyda oo kale soo maray, ka dibna noqday dhakhaatiirta iyo injineerrada”.

‘Aad baan ugu baahnaa garab’

Sanad kasta oo waxbarashada uu waday waxaa soo wajahayay walwal horleh, maadaama uu u baahnaa inuu dharka iskuulka iibsado, arrintaasina ay aad ugu adkeyd.

“Waxbarashada kharash badan ayaa iga galay”, ayuu yiri.

“Dhibaatooyin badan ayaan la kulmay, laakiin waligey ma illoobi doono baahidii aan qabay markii aan galayay fasallada 8-aad iyo 10-aad iyo waliba sanadkii aan ku biiray jaamacadda”.

Qalinjabinta jaamacadda Bahir Dar

Isagoo dhibaatooyinkaasoo dhan soo maray, sanadkii 2013-kii waxaa u suurtagashay inuu ku biiro jaamacadda Bahir Dar ee ku taalla caasimadda gobolka Amhara, halkaasoo uu ka bartay cilmiga injineernimada kiimikada.

“Waxaa jiray warar la isla dhexmarayay oo ku saabsanaa in waddanku uu u baahnaa injineerro ka shaqeeya warshadaha, taas ayeyna ahayd sababtii aan u go’aansaday inaan injineernimada barto. Waxaan rajeynayay in shaqo la i siiyo islamarka aan qalinjabiyo”, ayuu yiri.

Shantii sano ee uu jaamacadda ku jiray uma dhib badneyn sidii hore. Warqad looga soo diray magaaladaiisa, oo muujineysay inuusan heysanin qof waxbarashada ka bixiya ayaa sababtay in jaamacaddu ay bil kasta ka dabbarto lacag dhan 200 birr oo u dhiganta qiyaastii $10; £8).

“Waxaan sidoo kale caawinaad ka heli jiray saaxiibbadey iyo ardaydii aan jaamacadda isla dhiganeynay. Laakiin markii ay qalinjabinta soo dhawaatay, waxaan billaabay walwal ku saabsan wixii aan sameyn lahaa marka aan qalinjabiyo ka dib”.

“Waxaan ka cabsanayay inay shaqo la’aan igu dhici doonto”, ayuu yiri.

‘Nasiib ma aanan lahayn’

Sanadkii 2017-kii, Mr Chekole wuxuu dhammeeyay jaamacadda, wixii ugu horreeyay ee uu billaabayna wuxuu ahaa inuu shaqo raadiyo.

Laakiin ilaa hadda kuma uusan guuleysanin.

“Saddex bilood ayaan shaqo ka raadinayay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa. Warshad kasta oo ku taallay magaalada waan tagay, laakiin nasiib ma aanan lahayn”.

Wuxuu u safray magaalooyin kala duwan, xitaa kuwa fog fog sida Woldia, oo qiyaastii 520km dhinaca waqooyi ka xigta Addis Ababa, isagoo intaas shaqo raadinaya.

“Xitaa waxaan codsaday shaqooyin aan u baahneyn shahaadada jaamacadda. Laakiin codsiyadeyda waa lasoo diidayay mar kasta”.

Mar wuxuu shaqo ka billaabay warshad uu maalintii ka qaadanayay 29 birr oo u dhiganta $1, balse wuu ka tagay maadaama uusan ku noolaan karin kharashkaas.

Dhibaatadan ma aha mid isaga kaligiis heysata.

Inkastoo sanadihii dambe uu dhaqaalaha Itoobiya sare u kacayay, qiyaastii afar meelood meel ka dhid ah dhalinyarada waddankaas ee ay da’doodu u dhaxeyso 15-29 waa shaqo la’aan, sida lagu sheegay daraasad la sameeyay 2018-kii.

Sidaas aegeed, Mr Chekole wuxuu ku biiray dhalinyaro kale oo caawinaad ka raadsaneysay dowladda. Laakin dowladdu waxay sheegtay inaysan wax dhaqaale ah u heynin dadka ka qalinjabiyay injineernimada kiimikada.

Jaamacaddii oo uu dib ugu laabtay

Ka dib dhowr bilood oo uu shaqo raadin ku jiray, waxna ku waayay aqoontiisa, wuxuu dib ugu laabtay jaamacadda Bahir Dar – isagoo dantu ay ku kalliftay shaqadii uusan waligiis filaneynin inuu ku noqon doono.

“Markii aan waayay waddo kale oo ii furan, waxaan go’aansaday inaan dib u billaabo nadiifinta kabaha”.

Mar la weydiiyay inuu ka qoomameynayo waxbarashadii uu ku dadaalay, wuxuu sheegay inuusan sidan u careysnaan lahayn haddii uu ahaan lahaa qof aan waxba baranin.

“Waxbarashadan kharash badan ayaa iga galay, wax abaalmarin ahna kuma aanan helin”, ayuu yiri. “Haddaan sidan ogahay waxaasoo dhibaato ah uma mari lahayn inaan wax barto”.

.

Xigasho:BBC