MUQDISHO-AYAAMAHA-Degamada dharkeynley ee gobolka banaadir waxaa lagu dilay wiil kamid ahaa dhalanyada ku xamaasha mooto Bajaajta.

Kooxo hubeysan ayaa dilay wiilka kadibna ka qaatay mootadii ku xamaalan jiray.

Allah u naxariistee wiil ladilay ee mooto Bajaajlaha ahaa ayaa magaciisa lagu soo koobay Cabdiraxmaan waxaana meydkiisa lasoo dhigay aggaarka saldhig gelbeed ee degmada Dharkeynley.

Ciidamada dowladda ayaa gacanta ku dhigay labo kamid ah raggii dilka iyo dhaca geystay waxaana lagu hayaa saldhig Galbeed.

Hooyada dhashay wiilka ayaa iyadoo ilmeynaysa waxaa ay dowladda ka codsatay in wiilkeeda uu helo cadaalad oo lasoo qabto kuwii falka naxdinta leh geystay.

Cabdiraxmaan ayaa ka tagay labo caruur iyo xaaska.