Muqdisho-Ayaamaha-Ra’isulwasaaraha Dalka Canada Justin Trudeau, ayaa Markale waxaa magacaabay  Axmed Xuseen oo ah Soomaali Canadian , waxaa uuna ka soo dhex muuqday Golah Wasiirada dalka Canada ee uu ku dhawaaqay  Justin Trudeau.

Axmed Xuseen ayaa horay waxaa uu ahaa Wasiirka Socdaalka iyo soo galootiga ayaa haatan waxaa  loo magacaabay  Wasiirka arrimaha qoyska iyo dhallinyarada,waxaana uu ka mid noqday tiro Wasiirro ah oo dowladdii hore ku jiray oo haatan dib u soo laabtay.

Ra’isalwasaaraha Dalka Canada Justin Trudeau, ayaa xalay ku dhawaaqay  liiska 36 Wasiir oo 18 ka mid ah ay Haween yihiin

Soomaalida ku nool dalka Canada ayaa soo dhaweyay xilka loo magacaabay Axmed Xuseen.