MUQDISHO-AYAAMAHA-Wiil Soomaali ah oo ku nool dalka Norwey ayaa la sheegay in uu toorey ku weeraray seddax dumar ah oo laba kamid ah ay yihiin Soomaali, halka mida kalena lagu sheegay inay tahay caddaan u dhalatay dalkaas.

Warbixin ka soo baxay Booliska ayaa lagu sheegay in labada gabdhood ee Sooamalida ah la dhigay isbitaal , halka gabadha kale ee Norway u dhalatay la sheegay in ay u geeriyootay dhaawaca soo gaaray.

Dhacdadaan oo ka dhacday magaalada Saashbork oo 90-KM dhanka bari ka xigta magaalada caasimadda ah ee Oslo ayaa la sheegay inay jahwareer iyo cabsi xoog leh ku abuurtay Soomaalida ku nool dalka Norwey.

Sidoo kale waxaa laga deyrinayaa xaaladda caafimaad ee dhabdhaha Soomaaiyeed, kuwaas oo dhaawacooda lagu dabiibayo istbitaalka  ugu weyn magaalada Saashbook.

Wiilka Soomaaliga ah ee falkaan geystay ayaa la tilmaamay in uu ka xanuunsanayay maskaxda, waxaana la sheegay in horay weerar nuucaan oo kale ah uu wiilkan u geystay, iyadoo haatan ay socdaan baarritaano ku aaddan falkaas.

Gabdhaha Soomaalida ah ee la dhaawacay ayaa waxaa lagu sheegay in lagu weeraray guriyahooda, maadaama wiilka falka geystay ay deris yihiin, halka gabadha kale ee Norwijiyaanka ah lagu weeraray goob bosteejo ah oo gaadiidka laga raaco