DHUUSAMAREEB-AYAAMAHA-Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa saacadaha soo socda waxaa la filayaa in gaaraan Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka ka jira,kuwaas oo shir gaar ah halkaasi ku yeelanaya.

Madaxda tageysa Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa kamid ah,Madaxweynaha Puntland, Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Madaxweynaha Jubbaland iyo Madaxweynaha Hir-Shabeelle.

Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyay,waxaana warar soo baxayay ay sheegayaan in Madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland ay dalbadeen in Magaalada Dhuusamareeb laga saaro Ciidamada Booliska gaarka ah ee Haramcad oo ay halkaasi geysay dowladda Soomaaliya in kastoo warkaasi laamaha ammaanka Soomaaliya ka hadlin.

Shirka Madaxda Dowlad Goboleedyada uga furmaya Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa oo dhaweeyay inta badan saamileyda siyaasadda,sida Madasha Xisbiyada Qaran,Xildhibaannada mucaaradka iyo Qaramada Midoobay.