Muqdisho-Ayaamaha-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ka qeyb-galaya Shirka Caalamiga ah ee Madasha Iskaashiga ayaa ka hadlay dhinacyada,Siyaasada, Dhaqaalaha iyo Amniga iyo maqnaashaha Maamulada Jubbaland iyo Puntland.

Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo in wadashaqeyn dhexmarto dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul Goboleedyada dalka,isla markaana Somaliland ay kusoo biirto wixii ka dambeeya Shirkaan.

“Waxaan iska kaashan-doonnaa inaan soo qabanno Saaxiibada maamul-goboleedyada ee Maqan xitaa Soomaaliland,Beesha Caalamka idinkana waxaan idin ka rabnaa inaad si dhab ah siyaasadda wax uga qabataan”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedetaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa soo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug inuu Khudbad xasaasi ah ka jeediyo Shirka Iskaashiga Soomaaliya,isagoona tilmaamay in howlaha dhamaystirka Galmudug uu hogaamin doono Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa kamid ahaa siyaasiyiinta dhaliilsanaa Madaxda Dowladda federaalka Soomaaliya,waxaana uu ahaa Siyaasi an looga baran hadalladii Maanta,isaga oo Madaxda dhaliili jiray.