Qaar kamid ah Bulshada danta yar ee ku dhaqan Degmada Beledwayne iyo duleedka magaaladaasi ayaa waxaa lasoo daristay xaalad beni’aadanimo oo aad u xun.

Bulshada kunool Deegaanadaas ayaa ka cabanaya in ay haysto biyo yari, taasi oo ka dambeysay markii uu guray wabiga Shabelle kaasi oo ay ku tiirsanaayeen dadka ku nool degaanada dhaca gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Dadkaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay ku adag tahay helida isticmaalka biyaha oo nolasha aadanaha muhiim u ah, waxaana ay sheegeen in qiimaha la siisto biyaha ay sare u kacday.

Mas’uuliyiinta dowladda dhexe iyo maamulka  HirShabelle ayay cod dheer kaga dalbadeen in ay soo gaarisiyaan gargaar biyo oo deg deg, si nolal maalmeedkooda caadig ah dib ugu helelaan.