Muqdisho-(Ayaamaha)-Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir gaar ahaan isgoyska Maanabooliyo oo galabta ay ku dagaalameen ciidamo ka wada tirsan dowladda ayaa caawa waxaa ka jirto Xaalad Cabsi.

Dagaalkii maanta ka dhacay degmada Shibis ayaa ka dambeeyay kadib markii isfaham waa uu soo kala dhex galay ciidamo ka tirsan meletariga iyo ciidamo boolis ah, waxaana dagaal kooban uu sababay dhimashada dad shacab ahaa iyo dhaawaca shan kamid ah ciidamada booliska.

Waxaa caawa cabsi xoogan ka jirta waaxda Axmed Gureey ee degmada Shibis, waxaana gabi ahaanba la xiray waddooyin badan oo ku dhow goobtii galabta lagu dagaalamay.

Isgoyska Maanabooliyo ayaa Ciidamada booliska gabi ahaanba xiray waxaana loo diidayaa dhammaan gaadiidka dadweynaha, iyadoo meelaha qaar loo diidayo dadweynaha inay adeegsadaan.

Dadka ku nool degmada Shibis ayaa cabsi xoogan qaba, iyaga oo ka baqaya in dagaal kale uu ka dhaco goobtii maanta lagu dagaalamay, maadaama ciidamada booliska ay aagag dagaal galeen.

Xiisadda dagaalkii maanta ayaa isku badashay xiisad qabaa’ileed, waana midda keentay in cabsida ay sii kororto.