Xaalad halis ah oo ka jirta Jubbaland iyo Axmad Madoobe oo dalab culus u diray Dowladda iyo caalamka.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha DG Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo ka xog-warramay xaaladda abaarta ah ee ka taagan deegaannada Jubbaland ayaa gurmad degdeg ah ka dalbaday Dowladda Federaalka, Hay’adaha gargaarka & cid weliba oo gacan ka geysan karta arrintaan.

Axmed Madoobe waxa uu sheegay in abaartu ay saameyn taban ku reebtay qoysaska Beeraleyda ah & Xoolo dhaqatada ee ku nool deegaannada Jubbooyinka balse keliya ay sugayaan in laga gacan-siiyo sidii ay u heli lahaayeen waxyaabaha ay nolosha muhiimka u ah.
“Abaaro iyo xannuuno aan la garanaynin ayaa ka jira qeybo kamid ah Jubbaland, dhibaato ba’an ayay ku hayaan xoolo dhaqatada iyo beeraleeyda, waxaa khatar galaya nolosha dad badan oo kamid ah bulshada Deegaanka” ayuu yiri Madaxweynaha DG Jubbaland.

Waxa uu Hay’adaha gargaarka ka dalbaday in ay gargaar degdeg ah oo ay ku bixiyaan waqtiga ku habboon oo lagu gacan-qaban karo qoysaska u baahan in ay la gaaraan Deegaannada ugu badan ee sameynta taban ku reebtay Abaarta.

Wasaaradda Gargaarka & Maareynta Musiibooyinka XFS waxa uu ku bogaadiyay kaalinta ay ka qaadaneyso sidii gurmad loogu heli lahaa qoysaska abaartu ku saameysay Jubbaland oo haatan isaga hayaamaya dhulkooda si ay u raadsadaan deegaanno ka nabad qaba abaarta.

Xoolaha ayaa tarab-tarab u baqtinaya sabab la xiriirta haraadka ka jira Deegaanno katirsan Jubbooyinka & Gedo, halka dhulka dooggii saarnaa uu ka nabaad guuray sidaasna ay ku waayeen daaqii ay ka heli jireen.

Meelaha ugu daran abaarta ay saameynta taban reebtay waxaa kamid ah Dhoobley, Kulbiyow iyo deegaanno kale oo katirsan Jubbada Hoose & Gedo sida Mustaqbal ay u xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan DG Jubbaland