Beledweyne-(Ayaamaha)-Iyadoo mudooyinkii danbe deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan ay ka taagnaayeen arimo iskugu jira aanooyin qabiil iyo falal amni daro, ayaa xaafada Howlwadaag magaalada Beledweyne  waxaa xalay lagu dhaawacay Gabar la sheegay in gurigeeda loogu galay kadibna rasaas lagu furay.

Nabadoon Cujur Khaliif ayaa Maamulka iyo Odayaasha dhaqanka reer Hiiraan waxa uu ka codsaday arintaasi laga hor tago.

Amaanka magaalada Beledweyne ayaa sii xumaanayay mudooyinkii danbe waxaana maalmo ka hor ka dhacay falal naxdin leh oo iskugu jira dilal, gowrac, kufsi, afduub iyo falal kale oo amniga lidi ku ah.

Nabadoonka ayaa sheegay in Odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ay ku guuleysteen soo deynta labo nin oo Beelo wada dega Hiiraan ay afduub ukala qabsadeen, ilaa hada majiraan wax war ah oo ku aadan falalkaas amni daro oo ka soo baxay Maamulka gobolka Hiiraan.