Kenya ayaa dib ugu yeertay safiirkeedii dalka Soomaaliya iyadoo sidoo kale ku amartay safiirka dowlada Soomaaliya ee dalka Kenya inuu ka baxo Kenya.

Warkan Cusub ee ee  goordhow soo baxay ayaa waxaa la sheegayaa in tallaabada ay dowlada Kenya qaadatay ay la xiriirto iyadoo aaminsan in dowlada Soomaaliya ay ku dartay xaraashkii ay ku sameysay shidaalka iyo gaaska Soomaaliya deegaano katirsan dalka Kenya.

Ma jiro wax war ah oo ilaa hada ka soo baxay dowlada Soomaaliya iyadoo xiriirka labada dal uu soo wanaagsanaanayay bilihii la soo dhaafay.

Soomaaliya ayaa dhowaan magaalada London ku so bandhigtey kheyraadka shidaalka iyo gaaska ee ku jira gudaha dalka iyadoo siyaasiyiinta mucaaradka ahna ay ku tilmaameen kulankaasi inuu ahaa mid lagu xaraashayay shidaalka dalka Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Kenya waxaa u dhexeeya muran salka ku haya lahaanshaha qeybo ka mid ah badweynta Hindiya iyadoo dacwadaasna ay taal Maxkamada Caalamiga ah ee ICJ.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO: