MUQDISHO-AYAAMAHA- Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) ayaa markii ugu horreysay ka jawaabtay eedeyn uga timid xisbiyada qaar, gaar ahaan kuwa ku mideysan Madasha Xisbiyada Qaran ee uu guddoomiyaha u yahay Madaxweyne hore, Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in guddigooda uusan wax eed ah laheyn, islamarkaana ay horey u shaaciyeen inay maqan yihiin waxyaabihii lagu qaban lahaa doorashada.

Waxaa ay sheegtay in weli aan la helin waxyaabihiimii muhiimka u ahaa doorashada,sida Dhaqaalaha,hayeeshee Madasha Xisbiyada laga doonayay inay dhaqaalahaas la baadi goobaan,balse ay jawaab uga dhigeen is casil.

“Anaga waxaan is casileynaa hadii aan dambiile noqono oo haqadii naloo diray aan qaban weyno,feberaayo 2017 ayaan sheegnay in ay ka maqan yihiin waxyaabihii doorashada lagu qaban lahaa welina ma helin laakin in Guddiga la iska eedeeyo ma ahan ayay tiri” Guddoomiye Xaliimo Yareey.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo yareey) ayaa Maalin ka hor waxaa ay ka hor sheegtay Xildhibaannada Golaha Shacbaka inay Guddigooda u baahan yahay muddo 13 Bilood ah si doorasho loo qabto.