GAROWE-AYAAMAHA-Xildhibaannada Baarlamanka Puntland ayaa ansixiyey in ay xaraashaan xarunta golaha  oo ku taalla Bartamaha Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland.

Guddoonka Baarlamanka Puntland ayaa Maalintii Isniin ahayd Mudanayaasha Golaha Wakiilada u gudbiyay Qoraal Codsiya oo ku aaddan in la iibiyo Xarunta uu haatan Baarlamanka ku shaqeeyo oo ka soo horjeedda Xaruntii hore ee Madaxtooyada Garowe.

Kulanka oo ahaa mid qarsoodi ah ayaa waxaa u codeeyey in xarunta baarlamaanka la xaraasho illaa 31 mudane oo ka mid ahaa 41 xildhibaan oo soo xaadiray fadhigii shalay oo Isniin aheyd, waxaa diiday 6 mudane, halka ay ka aamuseen 4 xildhibaan oo kale.

Qaar kamid ah xildhibaanada ayaa sheegaya in ay ka cabanaayan sababo amni oo la xariirta xarunta ay degan yihiin, taasoo badalkeena ay doonayaan meel ammaan ah.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Puntland ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in kulanka uu ahaa mid qarsoodi ah.

Si kastaba ha’ahaatee baarlamaanka Puntland ayaa muddo fog ku shaqeynayey xarunta uu haatan degan yahay oo ka soo horjeedo xaruntii hore ee madaxtooyada.