XASAASI:-Beesha Waceysle oo ka tashatay Qoor Qoor kana baxeysa Galmudug.

Beesha Wacayle ee ka tirsan Beel weynta Abgaal Cismaan ee Hawiye
Beesha Wacayle ee ka tirsan Beel weynta Abgaal Cismaan ee Hawiye

MUQDISHO-AYAAMAHA-Beesha Wacayle ee ka tirsan Beel weynta Abgaal Cismaan ee Hawiye ayaa sheegtay inay ka baxayso Galmudug inteeda kale kadib markii la sheegay in la boobey kursi kamid ah kuraasta Beeshaas ee Maamulka Galmudug.

Kursigaan muranka badan dhaliyey ayaa waxaa uu yahay mid xasaasi ah oo Qoorqoor kala kulmi kara culeys dhanka beeshaas ah, waxaana horey kursigaan ugu fadhiyey ninka maalqabeenka ah ee lagu magacaabo Cadow Cali Gees oo ah nin ay beeshu aad u taageersaneyd.

Beeshaan waxaa ka dhashay Madaxweyihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud oo isna qeyb ka ah dadaalada Beesha ee kursiga, waxaana loo maleeynayaa ee gadaal ka riixayo odayaasha iyo siyaasiyiinta Beesha.

Nabadoon Cali Xasan Cali Jeesto
Nabadoon Cali Xasan Cali Jeesto

Nabadoon Cali Xasan Cali Jeesto oo ah Nabadoonka iska leh saxiixa kuriga golaha shacabka ee beesha Waceysle oo lagu soo saaray Yaasiin Farey ayaa ku hanjabay in beeshu ay isaga bixi doonto awood qeybsiga maamulka Galmudug, hadii aan boobka laga deyn xaqeeda.

Sidoo kale Nabadoon Jeesto ayaa madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor ku eedeeyey inuu in kiray oo xaqiray, iskuna deyey inuu xaqiro xaqa beesha Waceysle.

“Madaxweyne Qoor Qoor waxaan u sheegaa kursigaas waxaa iska leh beel weyn, beeshaas weyn hadaa xaqeeda boobto oo hal wiil ka doorato oo aad ka tashato, ayaguna waa kaa tashadeen, waxaana moodeynay in Galmudug aan wada leenahay ay meesha ka jirtee, koraad u heysanee waxaad keligaa isku koobtay,” ayuu yiri Nabadoon Jeesto.

Nabadoonka ayaa sheegay in waxa dalka ka socda aysan doorasho aheyn, “Si qaas ah waxaan ula hadlayaa Waceysle, waad u jeediin sida Galmudug noola dhaqmeyso, maamulkaan ku biiri laheyn aan ka tashano, Galmudug, wiil ayey naga doorataye ha heysato, anagana dhulkeena ayaan xoreysaneynaa waana degeynaa,” ayuu yiri.

Arrintaan ayaa timid kadib markii Yaasiin Farey loo doortay Xildhibaanka Beesha, taasoo muran badan dhalisay hanaanka loo maray doorashada iyo ergadii beesha oo lagu bedelay ciidan iyo dadkale oo aan katirsaneyn beesha, sida ay sheegeen siyaasiyiinta iyo waxgaradka Beeshaas.