XASAASI:- Nabad & Nolol oo looga adkaaday Magaalada Muqdisho

MUQDOSHO-AYAAMAHA-Doorashada kuraasta Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka dhacaday magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.

Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo, waxa ka socda doorashada 12 kursi oo kamid Golaha Shacabka ee Barlamaanka Federaalka.

Muqdisho waxa ka dhacaysa doorashada 9 xildhibaan oo golaha ka soo galaya gobollada woqooyi, halka Baydhabo lagu qabanayo doorashada 3 xildhibaan oo golaha ka soo galaya gobollada koonfur galbeed.

Doorashada ka socota labada magaalo, waxa illaa hadda ku soo baxay, sida ay ku dhawaaqeen guddiyada doorashooyinka xubnaha kala ah:

1- Hop#215 – Ayuub Ismaaciil Yuusuf

2- Hop#214 – Cilmi Maxamuud Nuur

3- Hop#056 – Maxamed Jaamac Mursal

4- Hop#231 – Isxaaq Maxamed Mursal {Fanax}

5 – Hop#245 – Cabdiraxmaan Axmed Suge

6- Hop#247 – Khadra Maxamuud Raage

7- DR Cabdullaahi Xaashi Abiib ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#201 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Muqdisho waxaana kursigaasi hore ugu fadhiyay Wasiirka Maaliyada Xukuumnadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Sidoo kale waxaa seddex kursi oo maanta ka dhacay doorashadooda Baydhabo janaay kusoo baxay xildhibaano uu watay Madaxweyne Lafta gareen kuwaas oo codkooda xisaabsan yahay Nabad iyo nolol.

Doorashada Golaha shacabka ayaa sida laga digayey hadda umuuqda mid boob ah marka la eego shakhsiyaadka ay wadatay Nabad iyo nolol oo ay markaan ka xoog bateen Deni iyo Madoobe kuwa ay soo saarteen iyo xildhibaanada Rooble xagiisa ka imaanaya ee gobollada wuqooyi kasoo baxay.