Muqdisho-Ayaamaha-Qaar ka mid ah Baraha Bulshada iyo Goobaha la iskugu yimaado Magaalada Muqdisho waxaa Saacadihii lasoo dhaafay qabsaday Is casilaada uu damacsan yahay Ra’iisal Wasaare Kheyre.

Inkastoo Saraakiil ka shaqeeya Xafiiska Wasiirka Koobaad ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan arimaha jira ee is casilaada hadana waxay sheegeen inuu jiro tuhun soo baxay.

Khilaaf hoose ayaa ka dhex jira Ra’iisal Wasaare kheyre iyo Mdaxweyne Farmaajo,oo la isku hayo Arimaha Doorashada soo socota Ee Soomaaliya & Arimaha Galmudug.

Hadii ay dhab noqoto waarka sheegaya inuu is casilo Xasan Cali Kheyre waa dhabar jab weyn Oo Geedi socodkii 2017-kii bilowgeeda soo aas aasmay.

Ilo madax banaan ayaa sheegaya in Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya uu doonayo 2020-2021 Doorashada Soomaaliya ka dhaceyso uu rabo inuu Madaxweynaha u tartamo.

Qaar ka mid ah Siyaasiyiin iyo Waxgarad kasoo jeeda Beesha Xasan Cali Kheyre waxay dhankooda xaqiijiyeen in ay jirto guuxaasi ah inuu is casilayo.

Ma Cada sida uu kaga jawaabi doono Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Arimahaan soo kordhay Ee Ka tegida xilka uu hayo.