MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynihii hore Somalia ahna Guddoomiyha Madasha Xisbiyada Qaran Sheekh Shariif  ayaa sheegay in dalka aysan ka dhici doonin doorasho

“Doorasho waxay u baahan tahay jawigeeda in la diyaariyo, Jawiga ma diyaarsana, maanta haddii hab la isku waafaqo asigaa waqti u baahan oo doorasho lagu qabto, maxaa yeelay mid mid la socdo naguma jiro” ayuu yiri sheekh shariif.

Isagoo sii hadlayaa ayaa yiri ” Hey’adaha dowladda kaliya heer federaal iyo heer maamul goboleed ma wada shaqeeyaan, golaha shacabka iyo aqalka sare waa kala tageen, anaga dhan waxaa u baahanahay dib u heshiisiin, hey’adaha dowladda dib u heshiisiin u baahan, waxaa leeyahay waqtiga inta uusan tagin miiska imaada”

“Talo waxaa heysiin keena colaad la idin ma qabo talaa la idinku daraa, annaga waxaa rabnaa qarankaan in uusan faraheena ka bixin, ummaddo badan burburay, kuwaa hadda burburaya, maxaa loo burburaa dastuurka ayaa la ogoleyn, dastuurka waa in la ogolaado” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee sheekh shariif.

Shariif ayaa hadalkiisa u muuqda mid aan xanaf laheyn oo u hadlay si nabadoonimo ah, isagoo sheegay in wada tashi la aan doorashadii dhacday aan la aqbali doonin.