XASAASI:- Xildhibaanada Baarlamaanka oo wada Mooshinka ka dhan ah Guddoomiye ku xigeenka.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Mooshin ayaa la abaabulayaa oo la doonayo in la hor geeyo Baarlamaanka Golaha Shacabka taas oo laga yaabo in xilka looga qaado gudoomiye kuxigeenka koobaad ee BFS Sacdiya Yaasiin Samatar.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Sacdiya mooshinka ay kala kulmeyso qaar ka mid ah xildhibaano saaxiibo la ahaa iyadoo dabino siyaasadeed ku hoos jiraan.

Dhanka kale Wasiirka Haweenka Soomaaliya Khadiijo Diiriye ayaa la sheegay in qorshan ay hoos kawada, iyadoo dooneyso markii xilka laga tuuro Sacdiya ay booska gudoomiye kuxigeenka 1-aad BFS ay raadsato.

Khadiijo waxay ka mid aheyd shakhsiyaadkii utartamay xilkaas ay hadda ku fadhiso Sacdiya Samatar,siyaasadu markii la joogo saaxiib joogto ah malaha balse dan joogto ah ayey yeelataa.

Xogta waxaa ay tilmaameysaa in Sacdiya ay hadda abaabuleyso saaxiibo cusub oo Baarlamaanka ah si ay udifaacaan hadii mooshinka laga keenayo uu Baarlamaanka yimaado.

Gudoomiye Sacdiya oo deegaan ahaan kasoo jeeda Puntland ayaa hadda wajaheysa dhaliil xoog leh oo kusaabsan sharciga jinsiga oo ay ku dhaaratay inay Baarlamaanka horgeyn doonto oo ay meel marin doonto ama ay Xamar iskaga tegi doonto hadii ay guuldaro la kulanto.

Weli macada mashruuca sharciga Jinsiga cida gadaal ka riixeysa xilli qodobada qaar ku jira laga digayo in dhaqanka iyo diinta Islaamka ay wax ka hor imaanaya ku jiraan iyadoo Dawladdii hore Nabad iyo Nolol la hor istaagay sharcigaasi Jinsiga oo Baarlamaanka naqdiyey.

Hadii ay dhacdo in xilka laga tuuro guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka xildhibaan Sacdiyo majiri doono masuul dambo oo sharciga jinsiga horboodi doono, waxayna cashar u noqon doontaa kuwa hada daah gadaashiisa kawada sharcigan.