Muqdisho-Ayaamaha-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu  ka hadlay khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe  iyo Maamulka Galmudug iyo  dagaal beeleedyada ku soo laa laabtay  deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in xilligan uu kala shaki ka dhexeyo dowladda dhexe iyo madaxda Maamul gobaleedyada, waxaa uuna sheegay in taasina xiligan aan loo baahneen, islamarkaana xal waara laga gaaro cabashooyinka ka soo yeeraya Maamul gobaleedyada ka jira dalka.

Waxa uu sheegay in Maamul goboleedyada uu Dastuurka siinayo awood dheeraad ah sidoo kalena dowladda si la mid ah uu siinayo,hayeeshee dowladda soomaaliya ay faragelin ku heyso Maamulada dalka ka jira koontoroolna ay ku heyso gaar ahaan xilliyada ay doorashooyinka dhacayaan.

Xasan Sheekh Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda dhexe ay fara gelin ku hayso Maamul gobaleedyada ka jira dalka ,gaar ahaan xilliyada ay dhacayaan doorashooyinka.