MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynihii hore Ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu kaga hadlay Arimo Xasaasi ah,Xaalada Dalka kusugan yahay,Doorashada iyo Dacwada Badda Ee Kenya Nagala dhaxeyso.

Xasan Sheekh waxa uu ugu horeyn kaga hadlay Shirkiisa saxaafadeed,dib udhigista Dacwada Badda,Ee Soomaaliya iyo Kenya ka dhaxeysa.

Waxa uu sheegay in Afartii Sano Lasoo dhaafay meeshii ay joogtay Dacwada badda xilligii Dawladii isaga hogaaminayey aan wax isbadel ah lagu sameynin.

Farmaajo ayuu ku eedeeyey inuusan marna ka hadlin Qadiyada Badda oo ah mid qaranka utaalla sidaa awgeedna aysan mudneyn arimahaan oo kale inuu ka aamuso.

Waxa uu Nabad iyo Nolol ku dhaleeceeyey inay ku fashilantay Arimaha Dacwada isagoo dhaleeceeyey ICJ in ballanta ka baxday oo markii Dib loo dhigayey ay sheegeen in dib loo dhigi doonin.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu shaaca ka dhigay in aysan raali ka aheyn Kenya in naas nuujin loogu sameeyo Arinta Villa Soomaaliya ku gadaal riixeyso.