Xasan sheekh oo sheegay in Dhalinyaradii loo qaaday Ereteriya la iibsaday

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo hadlayay “kulan mahad celin ahaa oo isaga loogu mahad celinayay doorkii uu kulahaa dedaalkii uu ku bixiyay sidii dalka loogu jiheyn lahaa doorasho is ogol ah” ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku aaddan siyaasadda dalka.
Waxaana Xasan Sheikh Maxamuud uu si kulul uga hadlay Dhalinyaro la sheegay in dalka Eriteria tababar loogu qaaday, kuwaasi oo ilaa hadda aysan waalidiintoodu aysan meelna ku sheegin Nolol iyo geeri.

Xasan Sheekh waxaa uu sheegay in Dhalinayradaas markii hore si qiyaano ah loo qoray, hayeeshee dano kale oo siyaasadeed loo adeegsaday, isla markaana la iibsaday.

Waxaa uu sidoo kale Xasan Sheekh sheegay in marar badan ay maqlayaan in Dhalinyaradaas la geliyay dagaalkii ay Itoobiya Waqooyiga dalkaas kula gashay Kooxda TPLF, isla markaana Madaxda dowladda Soomaaliya aysan wax jawaab ah ka siinin Waalidiintooda oo maalin walba walaac muujinaya, taasina ay tahay mid aan la aqbali Karin.

“ Lama aqbali karo in dhallinyaro Soomaaliyeed oo ay dowladdu dirtay aan warkooda la heynin. Mas’uuliyiintii howshaas ka dambeeyay waa in ay waalidiinta iyo ummadda Soomaaliyeed u caddeeyaan masiirka carruurta Soomaaliyeed ayuu yiri” Xasan Sheekh.

Xasan Sheikh oo sii hadlayay sheegay in Dwoalddu ay dhalintaasi iibsatay, oo ay ka dagaalamayaan Itoobiya, waxaana tiro dhowr jeer ah soo baxay warar sheegayay in dhalinyardii Tababarka loogu qaaday Eriteria ay qayb ak noqden dagaalka Itoobiya ay kula jirto Qoomiyadda Tigreega, waxaana waalidiinta ay carruurtoodu ka maqan yihiin ay bannaanbaxyo ka dhigeen Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya iyagoo baaq u diray Dowladda Federaalka, oo ay ka dalbadeen in ay caddeyso halka ay ku sugan yihiin dhalinyardii ay qaadday.