Xasan Sheekh Oo Sheegay In Digreetada Madaxweyne Farmaajo Ay Lamid Tahay In La laalay Dastuurka.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa goordhow shir jaraa’id ku qabtay hoygiisa ayaa ku tilmaamay digreetadii Madaxweyne Farmaajo ee wax ka bedelka asnixinta Dastuurka uu dib ugu dhigay aysan wax qaanuun iyo dastuur cuskaneyn.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa carabka ku adkeeyey in tallaabada uu qaaday Madaxweyne Farmaajo ay la mid tahay iyadoo Dastuurka la laalay.

Waxaa uu sheegay in shirka wadajirka ee Labada Aqal ee Baarlamaanka ay aheyd inuu ka soo baxo qaraarka dib loogu dhigayo wax ka bedelka dastuurka.

“Digreetada Madaxweynaha maanta soo saaray wax qaanuun iyo dastuur, iyo awood Madaxweyne ay cuskan tahay ma jirto, Madaxweynuhu wuxuu mar kale dhinac maray Dastuurka”ayuu yiri Xasan Sheekh.

“Madaxweynaha xafiiskiisa shaqooyinka ka bilaaban karo waa xadidan yahay, shaqada ugu weyn xafiiska ka bilaabata waa magacaabida Ra’iisul Wasaaraha, shaqo kale rasmi ah waa marka xaalado gooni ah jiraan, madaxweynaha xaq uma lahan sharci uma lahan inuu meeshaas ka bilaabo howsha dastuurka wax looga qabanayo dastuurka ayaa qoraya, waana sida tilmaaman in labada aqal oo baarlamaanka oo kulma oo qaraar ka soo baxo, qaraarkaas intuu aqbalo Madaxweynaha ayuu digreeto ka soo saaro” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa kale uu hadalkiisa sii raaciyey “Dalkaan ma waxaa loo celinayaa in digreeto Madaxweyne in lagu xukumo, tallaabada uu maanta sameeyay Madaxweynaha waxay la macno tahay Dastuurka oo la laalay, Maxamed C/llaahi Farmaajo Digteetarnimada dhismaheeda ayuu dabaq kale ku sii daray.

Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta saxiixay xeer Madaxweyne oo dib loogu dhigay ansixinta Dastuurka wax ka bedelkiisa, iyadoo loo gudbiyay Baarlamaanka 11aad, maadaama Baarlamaanka 10aad muddo xil heyntiisa ay sii dhammaaneyso.