MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa kaga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimo la xariira doorashooyinka 2020 illaa 2021-ka.

Xasan Sheekh oo warbaahinta Shir Jaraa’id ugu qabtay Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay inuu si weyn u soo dhaweynayo Go’aankii 13-ka kursi Gobolka Banaadir looga siiyay Aqalka Sare, isagoo arrintaas ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo loo baahnaa.

Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa ka hadlay hadalkii Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ay ku sheegtay in loo baahan yahay muddo 13 Bilood ah si doorasho loo qabto,waxaana uu sheegay in haalkaasi uu yahay Muddo kordhin riman muddo kordhin kale.

Hadalka Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu kusoo aaayaa xilli qaar kamid ah hoggaamiyeyaasha Mucaaradka ay kasoo hojeesteen hadalkii Guddoomiye Xaliimo yareey halka kuwo kale ay ka aamusan yihiin.

Ugu dambeyn Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo jeediyey in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya laga rabo in y tilmaado qorshe cad oo ku aadan doorashada 2020/2021-ka, wuxuuna carabka ku adkeeyey in aysan marnaba aqbali doonin wax muddo kororsi ah.