MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddoomiyaha Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horuma UPD ahna Madaxweynihii sideedaad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa si faah faahsan uga warbixiyey kulan dhawaan dhexmaray Guddoonka Golaha shacabka iyo Hogaanka Madasha Xisbiyada Qaran kaas oo qabsoomay 28 bishan.

Xassan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uusan jirin wax ajende siyaasadeed ah oo Guddoonka Golaha shacabku u waday Madasha Xisbiyada Qaran sidoo kale aysan jirin wax ajende ah oo Madashu ay u dhiibtay Guddoonka Golaha shacabka.

Xassan Sheek Maxamud ayaa yiri “waxaan rabaa inaan faah faahiyo kulankii dhawaan ay madashu la yeelatay guddoonka Golaha shacabka kaas oo dad badan ay ii soo weydiyeen siyaabo kala duwan walaalayaal waxaan rabaa idin xaqiijiyo in aysan jirin wax fariin ah oo uu noo siday Guddoonka annaguna aanan u dhiibin wax fariin ah”

“Guddoonka Golaha Shacabku Madaxda Qaranka ayey ka mid yihiin madaxduna wey kulmi karaan weyna wadatashan karaan balse ma jrin wax gaar ah oo annaga iyo Guddoonku aa u kulannay sababtoo ah horay ayaan sidaan oo kale u kulmi jirnay” ayuu yiri Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud.

Ugu dambeyn waxa uu bogaadiyey natiijooyinkii lagu gaaray shirarkii dhawaan ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb waxaana uu ku baaqay in la ballaariyo watashiyada siyaasadeed ee hadda socda kuwaas oo uu tilmaamay in lagu gaari karo natiijo wax ku ool ah.