Dr Axmed Cali Daahir Xeer ilaaliyaha qaranka ayaa muddo kadib soo hadal qaaday kiisaska la xiriira Musuq maasuqa oo dowladda hadda jirta ay masuuliyiin badan usoo xirtay.

Xeer ilaaliyaha qaranka waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dad badan xabsiga u dhigtay maasuqa, islamarkaana hadda gacanta kuhayso kiisas kale cusub oo musuq maasuq ah.

Kama hadlin shaqsiyaadka arrimahaan lagu hayo, hase ahaate wuxuu cadeeyay in dalka uu la dagay Musuq maasuqa isla markaana hadda madaxda kala duwan ee xilalka haya ay ka feejigan yihiin.

Dhowr Hay’addood ayuu cadeeyay in hada baaritaano lagu wado kuwaasi oo arrimaha musuqa la xiriira ay soo galeen, marka baaritaanada dhamaadaana ay soo qaban doonaan shaqsiyaadka la tuhmayo musuqa.

Xeer ilaaliyaha qaranka wuxuu soo hadal qaaday ciidamo ku dhawaad 200 gaaraya, kuwaasi oo dhawaan loo tababaray wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya, isaga oo sheegay in hadafka laga leeyahay ay tahay inay la dagaalamaan musuq maasuqa wasaaradda iyo habka qaadista canshuuraha dalka .

Dowladda federaalka hadda jirta ayaa xubno ka tirsan dekadda magaalada Muqdsho u xirtay kiisas musuq maasuq ku saabsanaa, waxaana qaar kamid ah ay xukuntay maxkadda gobolka Banaadir.