Muqdisho-(Ayaamaha)-Xogtaan laga helnay Madaxtooyada ayaa sheegaysa in wariye ka tirsan wariyaasha Villa Somalia ee Madaxweynaha u aruuriya xogaha ku saabsan waxyaabaha ay baahiyaan warbaahinta dalka ee ku saabsan wararka amniga iyo dhibaatooyin kale ee heesta shacabka Soomaaliyeed ayaa wajahaya hanjbaad iyo go’doomin ay ku sameeyeen mas’uuliyiinta Madaxtooyada Soomaaliya kadib markii uu Madaxweynaha la wadaagay xog dhab ah oo dalka ka jirta, taas oo markii hore laga qarin jiray Madaxweynaha.

Waxaa la sheegay in Wariyahaan iyo koox kale oo la shaqaysa oo aan markii hore fursad u heli jirin la kulanka Madaxweynaha ayaa maalin dalbaday in Madaxweynaha uu isaga ka dhageesto waxyaabaha ay diiwaan geliyeen iyo shaqada haayaan balse waxaa meesha ka dhacday in Madaxweynaha loo gudbiyay warar markii hore aan gaari jirin oo laga qarin jiray taas oo sababtay in madaxweynaha uu ka caroodo xogtii beenta aheyd ee loo gudbin jiray.

Wararka ayaa la sheegay in maalmahaan uu dareemayo culees iyo in la yareeyay saameentii uu ka lahaa xafiiska warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana la sheegay in wariyaha uu madaxweynaha ku war-geliyey dilal qorsheysan iyo qaraxyada yar-yar ee maagaalada iyo carrada shacabka ee ku aadan dowladda, oo markii hore laga qarin jiray.
Xubno katirsan Xafiiska Warfaafinta ee Villa Somalia oo qariyay magacooda ayaa xaqiijiyay arrintaan ka taagan Madaxtooyada Soomaaliya.

Sidaan oo kale ayaa Madaxweynayaasha Soomaaliya soo maray iyo Madaxweynaha hada talada haaya ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la sheegaa in aysan si sax ah u helin wararka dalka ku saabsan oo inta badan laga qariyo, waxaana hoos dhigta Madaxda katalisa Villa Somalia waana sababta keenta in Madaxweyne kasta uusan xog ogaal ka ahayn dhacdooyin badan oo dalka ka jira.