Muqdisho-Ayaamaha-Guddoomiyaha degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan, Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cabdi (Duurow) ayaa ka horyimid xilka qaadis uu xalay ka sameeyey wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka HirShabelle.

Gudoomiye Duurow oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in aysan weli soo gaarin Digreeto xilka looga qaaday, sidoo kalena uusan jirin mas’uul ku soo wargeliyey arrintaasi.

Guddoomiyaha ayaa sidookale beeniyey in ciidamo gaar ah oo isaga ka amar qaata ay la wareegeen xarunta maamulka degmadaasi.

“Anigoo ah guddomiyaha degmada Biulo-Burte Cabdicasiis Cabdullaahi Cabdi (Duurow) waxaan cadeynaa in eysan isogaarin waraqda la shegay islamarkaana aysan isoo sheegin madaxda isoo magacaawday, sidookale waxaan halkaan ku beeninayaa wararka been abuurka ah oo la leeyahay guddoomiyaha ciidamo taabacsan ayaa la wareegay degmada, waxaan aaminsanahay nidaamka dowladnimo oo aan shalay ku imid, isla nidaamkas aan ku baxo una hoggaansamo nidaamka dowladnimo.”ayuu yiri Duurow.

Dhinaca kale xilka qaadista Guddoomiyaha Buulo-burte iyo Duqa Magaalada ayaa salka ku heysa kadib markii ay diideen in laga dhiso golaha deegaanka degmadaas iyagoo sheegay in marka hore la dhiso golaha deegaanka degmada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan.

Khilaafka ka taagan Degmada Buulo-Burte oo maalmahan taagnaa ayaa ka dhashay dhismaha golaha deegaanka oo ay si weyn uga horyimideen waxgaradka degmadaasi.