Wararka aan Kahelayno Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa la sheegayaa inay ka taagan tahay xiisad taas oo ka dhalatay kadib markii Ciidamo ka tirsan kuwa NISA iyo DANAB ay xalay la wareegeen Xarunta Madaxtooyada Galmudug.

Ciidamadaas ayaa

Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug waxa ay sheegeen inay tahay mid fowdo looga abuurayo deegaanada Galmudug,islamarkaana si awood ah ay kula wareegeen Xarunta Madaxtooyada Magalada Cadaado.

Xaalada Magalada ayaa Maanta ayaana daganeyn waxaana ku sugan Ciidamada Nabadsugida qeybta Galmudug iyo kuwo ka tirsan Daraawiishta Galmudug oo horay Gacanta ugu haayay Xarunta Madaxtooyada.

Arrintaan ka taagan Magaalada Cadaado ayaa dad badan waxa ay aaminsan yihiin inay salka ku heyso khilaafka weli ka dhex taagan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Galmudug,iyada oo sidookale ay jirto in Madaxda Galmudug khudhooda uu khilaaf ka dhex jiro,isla markaana ay kala degan yihiin Magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb.

Waxtgaradka Magalada ayaa waxa ay sheegeen inay xiisadaas ku baxeen,islamarkaana ay doonayaan in dagaal uusan Magalada ka dhicin,waxaana Maanta Magalada Cadaado laga dareemayaa xiisado iyo daganaasho la’aan.