Boosaaso-ayaamaha –Ciidamada Dowlad gobolledka Puntland Ayaa Saaka waa berigii isku Fidiyay Xaafadda Ridwaan oo ka tirsan Magaalada Bosaaso halkaas oo uu Ku yaalo Fariisinka Ciidamada PSF.
Ciidamo aad ufara badan ayaa xalay ilaa saka laga soo warinayay in ay soo buuxdhaafiyeen xafadda Ridwaan ee magaalada boosaaso kuwaas oo jogo agagaarka saldhiga ciidanka PSF
Inkastoo uusan cadeeyn ujeedka ay leeyihiin cidamadaasi ayaa hadana waxaa Xogo dheraad ah oo aan helnay tilmaamayaan in ay damacsansan yihiin,
In ay weeraraan ciidanka difaaca putlanad ee loo yaqaano PSFTA oo maalmihii danbo khilaaf xoogan kala dhaxeeyay madaxweyna putland saciid cabdullhi deni oo xil ka qaadis iyo magacaabis ku sameeyay hogaanka ciidanka PSF.
Iama oga sidda ay xaladu noqon doonto ,waxaana maalmihii danbo socday dadaalo ay wadaan odoyaasha magaaladda boosaaso oo lagu dhexdhaxaadinayo ciidanka PSF iyo maamulka putalnd wallow aysan gaarin wali heshiis buuxa.