Muqdisho-Ayaamaha-Madaxweyne Trump ayaa qalinka ku duugay cuanqabateyn cusub uu ku soo rogay dalka Iran, cunaqabateynka oo saameyn u geysanaya hoggaamiyaha ruuxiga Iiraan Ayatollah Ali Khamenei.

Mr Trump wuxuu sheegay inuu cunaqabateyntan cusub ay tahay mid jawaab looga dhigayo diyaraddi aan duuliyaha lahayn uu Mareykanku lahaa ee ay Iran soo ridday iyo falal kale oo ay ku dhaqaaqday.

Xoghayaha Maaliyadda Maraykanka, Istefin Munjin waxa uu sheegay inay cunaqabatayntaasi saamayn doonto Xafiiska Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan, lana xiri doono hanta Balaayiin Dollar.

Ayatollah Ali Khamenei, oo ah hoggaamiyaha ruuxiga ee ugu sarreeya Iran “ayaa ka masuul ah dabeecadaha qallifan uu caadeystay maamulka Tehran” ayuu yiri Mr Trump.

Wasiirka arrimaha dibadda Iran Javad Zarif wuxuu sheegay “Mareykanka inuu quursaday Diblumaasiyadda.”

Mareykanka marka uu cunaqabateynka cusub ku dhawaaqay kaddib wuxuu wasiirka arrimaha dibadda Iiran Mr Zarif boggiisa Tweetarka uu ku qoray wuxuu Mareykanka ku eedeeyey inuu yahay “dal dagaal u heellan”.