Muqdisho-Ayaamaha-Xildhibaan Cabdi Shire Ciyaar jecel oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in Gudoonka Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu Mikarafoonka ka xirtay ka dib markii uu sheegay in uu ka hadlay xaqiiqda.

Waxaa uu sheegay in aad uga naxay markii baarlamaanka maanta la horkeenay heshiiska ilaalinta hiddo dhaqameedka aan muuqan iyo heshiiska khuseeye ilaalinta hidda dhaqameedka & midka dabiiciga oo aan wax muhiimad ah la heyn.

Xildhibaanka Ciyaar jecel ayaa sheegay in dalka uu marayo xaalad adag oo dhanka Ammaanka, Wadooyinka Muqdisho inta badan ay xiran yihiin, Khilaaf xooggan oo ka dhex jira dowladda iyo maamul goboleedyadda iyo in rajo xumo ah in doorasho aysan dalka ka dhaceyn in ay muuqato.

Waxaa uu sheegay markii uu isku daayay in uu ka hadlo qodobadii Shacabka Soomaaliyeed dantu ugu jirto in Gudoomiyaha baarlamaanka uu amray in Makarafoonka laga xiro.

Xildhibaanka ayaa sheegay in dalka hadda uusan ka jirin baarlamaan ka shaqeenaya danta Shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana loo baahan yahay in loo istaaggo badbaadinta baarlamaanka.