Xildhibaan cusub oo goordhow lagu doortay Magaalada Kismaayo

KISMAAYO-AYAAMAHA-Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland ayaa ku dhawaaqay natiijada kursiga HOP-203 kadib markii ay soo gaba gaboowday tirinta cododka.

Gudoomiyaha Guddiga Dr Siyaad Maxamed Mursal ayaa ku dhawaaqay natiijada kursiga HOP 203.

Waxaana ku guulaystay Hamse Cabdi Barre oo helay 69 cod,halka Axmed Maxamed Maxamuud waxa uu helay 17 cod.15 cod ayaa halaabay, sidaana waxaa ku guuleeystay Xamse Cabdi Barre.