Kudhowaad 12 xildhibaan oo Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ah ayaa xasaanadda lagala noqday kaddi markii ay yeesheen kulan xasaasi ah.

Xildhibaanadan ayaa lagu eedeeyey inay ku tunteen xuquuqda aadanaha iyo inay geysteen falal musuq maasuq oo kadhan ah maamulkas.

Mas’uuliyiinta xasaanadda laga qaaday Waxaana kamid ah afahayeenkii hore ee baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida Maxamed Rashiid Isaaq iyo madaxweynihii kumeel gaarka ahaa ee xilka kaga dambeeyay Cabdi Maxamuud Cumar.

Xeer ilaaliyaha guud ee Deegaanka Soomaalida, Cabdiweli Jaamac ayaa BBC u sheegay in xildhibaanada xasaanadda laga xayuubiyay ay ha’yadaha sharciga u saamaxeyso inay la xisabtamaan.