MUQDISHO-AYAAMAHA-War goordhow nasoo gaaraya ayaa sheegaya in xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka HirShabeelle ee fadhigiisu yahay Magaalada Jowhar la afduubtay.

Xildhibaanka ayaa la sheegay inuu saaka ka soo amba-baxay Jowhar, kuna soo jeeday Muqdisho, balse ay wadada u galeen rag loo maleynayo inay ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo horey u kaxeystay mudanahaasi ka tirsan baarlamaanka HirShabelle.

Xildhibaan ayaa waxaa la sheegay in ay afduubteen rag la sheegay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Wararku waxaa ay sheegayaan in raggan hubeysan ay Xildhibaanka kala dageen gaari, kaas oo marayay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Dadkii lasocday gaariga uu la socday xildhibaanka oo ahaa Noah ayaa la fasaxday dhamaman dadkii kale ee saarnaa, lamana oga halka ay la aadeen xildhibaan Maxamed Maxamuud Siyaad

Ammaanka jidka  dheer ee xiriiriya Muqdisho iyo Jowhar ayaa muddooyinkan ahaa mid aad u liitada, waxaana inta badan weeraro ka fulisa kooxda Al-Shabaab, waxaana qaarkood weeraradaas ku dhintay mas’uuliyiin ka tirsanaa mamaulka HirShabelle.