Xildhibaan Hore ahna Wasiirka Tamarta Xukuumada oo Mar Kale Lagu Doortay Baydhabo

BAYDHABO-AYAAMAHA-Waxaa Goordhow Magaalada Baydhabo ee Xarunta Baay kusoo dhammaatay doorashada kursi ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka oo deegaan doorashadiisu tahay Koonfur Galbeed.

Laba Musharax ayaa ku tartamay kursiga tirisgiisu yahay HOP184 oo afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyay Xasan Cabdinuur Cabdi, waxaana doorashadii Maanta dhacday ee kursigaas ku tartamay Xasan Cabdinuur iyo Maxamed Cabdullaahi Cali.

Xasan Cabdinuur Cabdi ayaa helay codod gaaraya-72 cod halka musharaxii la tartamayay ee  Maxamed Cabdulaahi Cali uu heley 27 cod, waxana halaabayaba Cod.

Doorashada ayaa weli ka socota Magaalada Baydhabo, waxaana la guda galay doorashada kursiga labaad ee doorashada Golaha Shacabka ee Maanta.