Muqdisho-Ayaamaha-Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil Xasan Yare oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay inay ka dambeysay weerarkii Jimcihii ka dhacay Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Jubbaland.

Xildhibaan Xasan Yare oo la hadlay TV-ga Afka Soomaaliga ku baxa ee Universal ayaa waxaa uu sheegay in inuu kamid ahaa dadkii ka badbaabay weerarkii lagu qaaday Hotel Cas-caseey oo rag ka tirsan Al-shabaab ay weerareen,isla markaana halkaas lagu dilay Wariyeyaal,Ganacsade iyo Musharax Madaxweynaha Jubbaland iyo dad kale oo shacab  ahaa.

Waxaa uu sheegay in markii uu qaraxa dhacay uu qolkiisa ka soo baxay, deetana uu arkayay raggii hubeysnaa oo gudaha Hotelka sii galayay, iyagoo rasaas adeegsanayay, dadkana tooganayay sida uu yiri.

“Khilaafka siyaasadeed ee xilligan ka dhex jira dowladda Federaalka iyo Jubbaland in dadka laga mashquuliyo xaalada kale iyo waxaan tuhmeynaa in Shabaab iyo Villa Somalia uu xiriir ka dhaxeeyo oo xaalada taagan in qalqal amni laga abuuro Kismaayo”ayuu yiri Xildhibaan Xasan Yare.

Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil Xasan Yare ayaa tilmaamay in ragii fuliyay weerarkii Hotel Cas-Caseey ay wateen dharka Ciidanka Booliska dowladda Federaalka,iyadoona dhawaan Dharkaas Ciidanka Booliska loogu qeybiyay Iskuul Buluusiya.

Ugu dambeyntii Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya ee laga soo doortay Jubbaland ayaa sheegay in Hotelka la beegsaday ay daganaayeen Dad taageersan Maamulka Jubbaland ee hadda Jira.