Kismaayo-Ayaamaha-Xildhibaan Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug) ayaa sheegay inuu jiro tuhun ku saabsan qaraxii iyo weerarkii jimcihii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Kismaayo aysan Shabaab kaliya ku laheyn.

Xildhibaanka ayaa wareysi uu siiyay Idaacada Kulmiye ayaa sheegay in weerarkii ka dhacay Jimcihii uu yahay mid ku cusub Jubbaland oo aheyd meel nabdoon oo xasillooni ka jirtay, balse qaraxaas iyo weerarkaas lagu soo aadiyay xilli xasaasi ah oo doorasho ku soo fool leh Jubbaland.

“Laamaha ambiga ayaa howsha gacanta ku haya, hotelka la weeraray wuxuu ahaa Hotel cusub oo dadka ay xiiseynayeen, wixii baaritaan iyo xog Hey’addaha Amniga ayaa og, laakiin Shabaab kaliya howl ku eg ma aheyn, howl dad badan ka soo shaqeeyeen oo juhdi iyo waqti la geliyay buu ahaa, mid ka mid ah raggii weerarka soo qaaday ayaa gacanta lagu hayaa”ayuu yiri Xildhibaan Caana-Nuug.

“Gacmo waa weyn ayaa meesha ku jira oo howsha fududeysay, qarax si weyn loo soo agaasimay buu ahaa, doorashada Jubbaland ku soo fool leh, dagaalka dowladda Federaalka kula jirto iyo wax badan baa iskaashanaya tuhun badan ayaa nagu jira”ayuu yiri Xildhibaan Caana-Nuug.

Shalay ayey aheyd markii Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil (Xasan Yare) oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee laga soo doortay Jubbaland uu  sheegay inay tuhmayaan in weerarkii jimcihii la soo dhaafay ka dhacay Hotel ku yaal Kismaayo uu ahaa mid la soo maleegay oo la doonayay in lagu qalqal geliyo amniga doorashada ku soo fool leh Jubbaland.