Garowe-Ayaamaha-Xildhibaan kamid ah Golaha Wakiilada Puntland ayaa sheegay in xalay rag hubeysan ay weerar kusoo qaadeen,isla markaana ay rasaas ku fureen,hayeeshee uu ka badbaadey.

Xildhibaankan oo lagu Magacaabo Faarax Maxamed Dalmar ayaa sheegay in la isku dayey in Nafta la dhaafiyo hase yeeshee uu Ka badbaaday.

Xildhibaanka ayaa xilliga la weerarayey waxaa uu Gaari kaga degay gurigiisa hortiisa,balse ay rag hubeysan rasaas ku fureen,waxaana uu sheegay in uu ka badbnaadey rasaas dhowr ah oo lagu furey gurigiisana uu galay.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Nugaal Cumar Cabdulaahi farawayne kana mid ah Golaha Wasiirada Puntland oo tegay Hoyga Xildhibaanka la weeraray ayaa sheegay inay arkeen raadadka raggii weerarka kusoo qaadey Xildhibaanka.

Faarax Maxamed Dalmar ayaa eedeyn u jeediyey Madaxwayne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi cismaan Karaash.

Xildhibaanka oo shalay Warbaahinta kula hadlayaya Magaalada Garoowe ayaa waxaa uu kasoo horjeestey xil ka qaadistii Guddoomiyihii hore ee Baanka dhexe ee Puntland oo uu sharci daro ku tilmaamay Xilka qaadistiisa.