Nairobi-(Ayaamaha)-Waaxda dembi baarista Dalka Kenya ee DCI-da ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitarka ku sheegtay in baaritaanno lagu hayo mudanaha laga soo doortay Bariga Wajeer, Rashiid Qaasim Aamin.

Xildhibaanka oo Shalay gelinkii dambe loo taxaabay Xabsiga dhexe, ayaa loo haystaa inuu Shalay u Gacan qaaday wakiilka Haweenka ee ismaamulka Wajeer Fatuma Gedi.

Dibed bax looga soo horjeeda dhibaatadii loo geystay Xildhibaan, Faadumo Geeddi ayaa waxa uu ka dhacay Magaalada Wajeer, iyadoo Shacabku ay dalbanayaan in arrinkan laga sal gaaro waxna laga qabto.

Shalay ayay ahayd markii baraha ay Bulshadu ku wada xariirto si weyn loogu hadal hayay dhibaatada lagula kacay Xildhibaanad; Faadumo Geddi, oo iyana laga soo doorto ismaamulka Wajeer.