Muqdisho-(Ayaamaha)-Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo ka mid ah Golaha Shacabka ayaa hadal uu ka jeediyey kulankii maanta abuuray buuq siyaasadeed.

Xildhibaanka ayaa si weyn uga dhiidhiyey sida ay dawlada uga gaabisey wadahadalka Dawlada Federaalka Somaaliya iyo Soomaaliland.
Xildhibaan Xuseen waxa uu sheegay hadii aan deg deg loo ambaqaadin wadahadalkaasi inay Soomaaliland isaga laaban doonaan.

Sidookale Xuseen Carab Ciise oo kasoo jeedaa Soomaaliland deegaan ahaan ayaa hadalkiisa Macno badan abuuray.

Xildhibaankan ka soo jeeda Somaliland ayaa madasha ka sheegay in Dastuurka uusan sax noqoneyn inta ay Somaliland maqantahay.